Maxaa ka jira in ciidamo ka socda Eritrea ay ku biireen dagaalka ka socda gobolka Tigray?

29
Eritrean soldiers wait in a line on September 11, 2018 to cross the border to attend the border reopening ceremony with Ethiopians as two land border crossings between Ethiopia and Eritrea were reopened for the first time in 20 years in Serha, Eritrea. - diplomacy border trade (Photo by Stringer / AFP)

Warbaahinta dowladda Itoobiya ayaa ku warantay in milateriga dalkaas ay dileen 550 askari oo kamid ah ciidamada TPLF ee is-maamulka Tigray, xilli dagaalku uu ka sii darayo.

Ma jiro illaa hadda wax war ah oo ka soo baxay madaxda ismaamulka Tigray, kaas oo ku aadan sheegashada dowladda federaalka iyo dagaallada ka socda gobolkan dhaca waqooyiga Itoobiya.

Wararku waxay sheegayaan in ciidamada labada dhinac ee dowladda dhexe iyo kuwa TPLF ay boqolaal askari uga dhinteen dagaalka, balse dowladda dhexe ayaa soo bandhigeysa khasaaraha ciidamada TPLF-ta oo kaliya.

Dhanka kale dowladda Eritrea ayaa si adag u beenisay wararka sheegaya inay ciidamadeedu ku soo biireen dagaalaka dowladda dhexe ee Itoobiya iyo ismaamulka Tigray-ga u dhaxeeya.

Sidoo kale taliska guud ee ciidanka milateriga federaalka Itoobiya ayaa waxaba kama jiraan ku tilmaamay warka ah in ciidamo ka socda Eritrea ay qeyb ka yihiin dogaalka ka socda gobolkaas.

Maalintii Talaadada ee lasoo dhaafay madaxa gobolka Tigray Debretsion Gebremichael dowladda Eritrea ku eedeeyey inay weerar kusoo qaaday gobolka, isla markaana ciidamada la dagaalamaya ay ku jiraan kuwo laga soo diray dalka Eritrea.