Khasaare nafeed oo ka dhashay qarax ka dhacay duleedka Dhuusamareeb

16

Wararka aan ka heleyno inta u dhaxeysa magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug iyo deegaanka Ceel-Dheere ayaa sheegaya inuu goor dhaw ka dhacay qarax khasaare geystay.

Inta la xaqiijiyey hal qof oo shacab ahaa ayaa ku geeriyooday qaraxaas oo noociisa lagu sheegay miino lagu aasay wado isku xirta deeganada Ceel-Dheere iyo Sina-dhaqo oo koonfur ka xiga magaalada Dhuusamareeb.

Qofka ku dhintay qaraxaas waxaa magaciisa lagu sheegay Maxamed Cabdirisaaq Maxamed, kaas oo watay Mooto Bajaaj.

Marxuumka ayaa ahaa ganacsade sida weyn looga yaqaanay magaalada Dhuusamareeb waxaana loo garan ogaa (Cali Hiire).

Shalay ayaa qarax miino sidaan oo kale u haleelay ciidamo ka tirsan qeybta 21-aad oo ka dhacay deegaanka Sina-dhaqo, waxaa ku geeriyootay laba askari, halka sagaal kalena ay ku dhaawacmeen.