Shir lagu soo geba-gabeynayo dib u eegista farsamo ee dastuurka oo Muqdisho ka socda

9

Wasiirka Dastuurka XFS mudane Saalax Ahmed Jaamac ayaa furay Shirka Wadatashiga hay’adaha Dasruurka heer federal iyo heer Dowlad goboleed kaas oo ay soo qabanqaabiyeen hay’adaha u xilsaaran dib-u-eegista Dastuurka ee kala ah Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Guddiga Lasocodka Baarlamaanka, iyo Guddiga Madaxa Bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka, waxaana ka soo qayb galay Wasaaradaha Dastuurka Dowlad goboleedyada iyo Guddiyada Dastuurka baarlamaanda Dowlad Goboleedyada iyo Xuno matalayay maamulka gobolka banaadir.

Shirkaan oo socon doona Muddo Saddex maalin ah ayaa u jeedadiisu tahay sidii loo soo gebagabayn lahaa dib-u-eegista farsamo ee dastuurka ku meel gaarka ah oo ay ka soo shaqeeyeen hay’adaha Dastuurka .