Kumanaan qof oo ka qaxday dagaalka ka socda gobolka Tigray oo iska dhiibay Sudan

9

Saraakiisha Suudaan waxay sheegayaan in ugu yaraan 6,000 qof oo Itoobiyaan ah ay kasoo qaxeen dagaallada ka socda gobolka Tigray, isla markaasna ay soo gaareen dalkaas.

Mas’uuliyiintu waxay intaas ku dareen in maalmaha nagu soo aadan la filayo in 200,000 ay kasoo tallaabaan xadka ay wadaagaan Suudaan iyo Itoobiya.

Waxay sidoo kale sheegeen in xeryo ku meel gaar ah laga sameynayo deegaanka sii loo qaabilo dadka kasoo qaxaya dhinaca Itoobiya.

Waxaa walaac laga muujiyay xaaladda bani’aadanimo ee gobolka Tigray, xilli dagaalka uu weli ka socda halkaas. Dowladda dhexe ayaa maanta sheegtay in 550 askari ay ka dishay ciidamada ismaamulka Tigray-ga.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa howlgal militeri ku qaaday gobolka Tigray, kaddib markii uu ku eedeeyay maamulka inay wadaan dhaqdhaqaaqyo ka baxsan dastuurka dalka.

Markii laga soo tago ciidamada labada dhinac, waxaa lagu soo waramayaa in boqolaal qof ay ku naf-waayeen dagaalka, ciidamada dowladda dhexe ee Itoobiya ayaa la wareegay magaalooyin dhowr ah.