Madaxweynihii hore Xasan Sheekh oo war ka soo saaray doorashadii ka dhacday HirShabeelle

10

Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga hambayo ugu diray Madaxweynaha cusub iyo ku xigeenkiisa ee maanta HirShabeelle loo doortay.

“Hambalyo madaxweynaha la doortay ee Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) iyo Madaxweyne ku xigeenka Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed)” ayuu yiri.

Qoraalka Xasan Sheekh ayaa intaas ku sii daray, “Waxaan bogaadinayaa dadaalka ay dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshadu ku bixiyeen dhismaha maamulka.”

Ugu dambeyntii Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa madaxda cusub “Alle uga baryay inuu u fududeeyo howlaha loo idmaday, isagoo ku baaqay in la garab istaago maamulka cusub, si ay u xaqiijiyaan rajada shacabka.”