Cali Guudlaawe oo loo doortay Madaxweynaha cusub ee HirShabeelle

18

Cali Cabdillahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa loo doortay madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabeelle hoggaamin doona afarta sano ee soo socota, kadib doorasho maanta ka bilaabatay Jowhar.

Musharax Cabdiraxmaan Jimcaale oo xilkan kula tartamaayey ayuu Cali Guudlaawe uga guuleystay, waxuuna ku soo baxay 86-cod, halka Cabdiraxmaan Jimcaale oo la tartamayey uu helay 13-cod, waxaana codeysay 99-mudane.

Doorashada madaxweynaha hirShabeelle ayaa lagu soo gabagabeeyey hal wareeg, waxaana ku soo baxay madaxweyne Cali Guudlaawe.

Haatan waxaa bilaabatay doorashada maadxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Hir Shabeelle oo ay ku loolamayaan guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed) iyo Maxamed Dheere oo ka mid ahaa golihii wasiirrada HirShabeelle.