Madaxweyne ku xigeen cusub oo loo doortay HirShabeelle

5

Magaalada Jowhar ee xarunta maamulka HirShabeelle waxaa hadda lagu soo gabagabeeyey doorashada madaxweyne ku xigeenka HirShabeelle, waxaana ku guuleystay Yuusuf Axmed Hagar Dabageed.

Yuusuf Dabageed waxaa xilkan kula tartamayey Maxamed Maxamuud Cabdulle (Maxamed Dheere) ,waxuuna uga guuleystay 87-cod, halka musharax Maxamed Dheere uu helay 12-cod, waxaana codeysay 99-xildhibaan.

Afarta sano ee soo socota waxaa loo doortay inay hoggaamiyaan maamulka HirShabeelle, Madaxweyne Cali Cabdullahi Xuseen (Cali Guudlaawe) iyo ku xigeenkiisa Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed).

Doorashada dowlad goboleedka HirShabeelle ayaa ku soo dhamaatay si nabad ah, waxaana maalmihii la soo dhaafay aad loo adkeeyey ammaanka magaalada Jowhar.