R/W Abiy: Howlgalku waa soconayaa ilaa inta hubka laga dhigayo dambiilayaasha

15

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed wuxuu sheegay in howlgalka milateri ee ka dhanka ah maamulka Tigray loo fulinayo qaabkii loo qorsheeyay.

Wuxuu intaas ku daray in howlgalkaas aan la jooji doonin illaa inta hub ka dhigis lagu sameynayo waxa uu ku tilmaamay ‘kooxaha abaabulan ee dambiilayaasha ah’.

“Howlgalka waxaa la jooji doonaa markii hub ka dhigis lagu sameeyo kooxaha abaabulan ee dambiilayaasha ah, inta dowlad sharci ah gobolka looga soo celinayo, isla markaana dambiilayaasha baxsadka ah caddaallada la hor keenayo” ayuu Abiy ku yiri qoraalkan uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka.