Dagaal culus oo u dhaxeeya laba maleeshiyo beeleed oo ka socda koonfurta Mudug

12

Dagaal culus oo dhaxeeya laba maleeshiyo beeleed ayaa maanta ka socda deegaan lagu magacaabo Holdooyaale oo dhaca koonfurta gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

Sida ay sheegayaan wararka laga helayo deegaankaas, dagaalka ayaa qarxay mar dhaw, kadib markii ay is-fara saareen dad reer guuraa ah oo mudooyinkii dambe ay xiisadu ka dhex taagneyd.

Xaladda deegaanka uu dagaalku ka socdo ayaa lasoo sheegayaa inay tahay mid kacsan, waxayna dhinacyadu isu adeegsanayaan hub culus.

Maalin ka hor ayey maleeshiyaadka labada beelood ee dirirtu u dhaxeyso ku dagaalameen deegaankaas, in kastoo iskiis uu u joogsaday dagaalkaas, balse maanta ayuu mar kale dib u qarxay.

Sidhaba looma oga khasaraha soo kala gaaray dhinacyada dagaalamaya inta uu la egyahay, madaama uu weli dagaalku socdo, waxaana aad u adag isgaarsiinta.