Nin soo xaday carruur oo lagu soo bandhigay degmada Afgooye

27

Degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose waxaa maanta lagu soo bandhigay nin la sheegay inuu soo xaday laba carruur ah.

Ninka la qabtay ayaa carruurtaas ka soo watay deegaan duleedka ka ah magaalada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose.

Ciidamada ammaanka ee ka howlgala degmadaas ayaa soo bandhigay ninkaas oo gacmaha ka katiinadeysan.

Ilmaha lagu qabtay ninkaas ee la sheegay inuu xadayey ayaa kala ah wiil iyo gabar, waxayna kala soo muuqdeen sawirro laga soo qaaday oo boolisku baahiyey.