Inta badan musharaxiinta madaxweynaha dalka oo si wadajir ah bayaan u soo saaray

14

Qoraal ay soo saareen illaa 12-musharax oo u taagan xilka  madaxweynaha Soomaaliya ayaa shaaciyay inay ka soo horjeedaan magacaabista guddiyada doorashooyinka iyo xallinta khilaafaadka.

Si gaar ah xubnahaas waxay si adag uga soo xulista xubnaha guddiga doorashooyinka iyo xalinta khilaafaadka ku metelaya gobollada waqooyi ee Somaliland.

Qoraalka kooban saddex bog ayey musharaxiintaas ku soo gudbiyeen baaq ah in wax laga bedelo qaabka loo soo xulay guddiyada doorashooyinka.

Waxay ku muujiyeen qoraalkan wal-wal ay ka qabaan in guddiyadan ay yihiin kuwo loogu talagalay in lagu musuq maasuqo doorashooyinka dalka.

Hoos ka akhriso bayaanka