Codadka gobollada qaar ee Mareykanka oo dib u baaris lagu sameynayo

8

Xeer illaaliyaha guud ee Mareykanka ayaa u ogolaaday dacwad oogayaasha inay baaraan qaladaad la sheegay in lagu sameeyay doorashadii madaxtinimada ee ka dhacday dalkaas.

Khaladaadka dhacay waxaa la sheegay in sarkaal sare oo ka tirsanaa waaxda cadaaladda dalka Mareykanka uu shaqada isaga tago.

Xeer illaaliyaha guud ee Maraykanka waxaa uu sheegay inuu ogolaaday codsi ay soo gudbiyeen qareenadda ka socda Donald Trump, taas oo la xariirta in la baaro hadii ay jiraan wax isdaba marin ah oo lagu sameeyay doorashadii dhawaan dhacday.

Madaxweyne Donald Trump ayaa weli diidan inuu aqbalo natiijaddii soo baxday, ee sheegtay in Joe Biden ka guuleystay, waxuuna codsaday in baaris lagu sameeyo codadkii laga tiriyay gobollada qaar.