Degmo Ka Tirsan G/Banaadir Oo Markii Ugu Horreysay Yeelatay Maxkamad

22

Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir ayaa Maanta xarigga ka jaray Xarunta Cusub ee Maxkamadda degmada Shibis ee Gobolkaaan oo markii ugu horreysay yeelatay Maxkamad.

Guddoomiye Maxamed Axmed Cismaan oo ka hadlay Munaasabadda xariga looga jarayay Maxkamadda Shibis ayaa waxaa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay furitaanka Maxkamadda Cusub oo uu sheegay in shacabka degmadaas ay baahi u qabeen.

Cismaan ayaa tilmaamay in Xafiiskiisa ay ugu imaan jireen dad ka socda degmada Shibis oo ka dalbanayay in Xarun Maxkamd laga hirgeliyo degmada, si qeybaha kala duwan Bulshada u helaan adeegyada Garsoorka.

Guddoomiyaha degmada Shibis Cali Soomaali iyo Mas’uuliyiintii kale ee horey u soo maray degmadaas ayuu Guddoomiye Maxamed Axmed uga mahadceliyay dadaalkii ay sameeyeen oo ahaa sidii ay shacabka u heli lahaayeen Maxkamadda, bale haatan ay heleen.

Degmada Shibis ee Gobolka Banaadir ayaa noqoneysa degmadii 15-aad ee Gobolkaan ee leh Xarun Maxkamadeed, waxaana Munaasabada furitaanka kasoo qeyb galay Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan Maamulka Gobolka iyo xubno kale.