Villa Somalia oo war ka soo saartay kulan Farmaajo su’aalo lagu weydiiyey

15

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa war ka soo saartay kulan madaxweyne Farmaajo uu la qaatay qaar ka mid ah dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku nool caasimadda Muqdisho, kuwaas oo kala hadlay doorkooda ku aaddan ‘dib u dhiska dalka, adkeynta dowladnimada, hoggaaminta iyo horumarinta bulshada’.

Sida lagu sheegay qoraalka ka soo baxay madaxtooyada dhalinyaradaas ayaa su’aalo waydiisay madaxweynaha, halka isaguna uu uga jawaabay.

“Dhallinyarada Soomaaliyeed waa cududda dalkeenna. Waa waajib Qaran in lagu dhiirri geliyo ka miro dhalinta hiigsigooda iyo dadaalkooda ku aaddan dib u dhiska dalka. Dowladda aan hoggaaminayo waxaa ka go’an xaqiijinta kaalinta dhalliyarada ee siyaasadda, arrimaha bulshada, difaaca dalka iyo dhaqaalaha” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Hoos ka akhriso qoraalkan Villa Somalia ay ka soo saartay kulankaas

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan la qaatay qaar ka mid ah dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa kala hadlay doorkooda ku aaddan dib u dhiska dalka, adkeynta dowladnimada, hoggaaminta iyo horumarinta bulshada.

Madaxweynaha oo ka jawaabay weydiimaha dhallinyaradii kulanka ka soo qeyb galay ayaa tilmaamay in dhallinyaro badan oo ku xirnaa Xabsiyo shisheeye ay dowladdu dib ugu soo celisay dalka, kuwaas oo haatan sharaf iyo karaamo ugu nool dalkooda, qeybna ka ah dhallinyarada Soomaaliyeed ee u taagan in ay mustaqbal wanaagsan u horseedaan dalka iyo dadka.