Faahfaahino ka soo baxay dad shacab ah oo lagu dilay Warshiikh

11

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar sababay dhimasho iyo dhaawac ah oo dad shacab ah looga geystay deegaano ka tirsan gobolka Shabeelada Dhexe.

Odayaasha dhaqanka iyo maamulka degmada ayaa bilaabay in ay baaritaano ku aadan, cidii ka dambeysay weerarkii dadka shacabka ah ee lagu dilay.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in maanta odayaal, waxgarad iyo saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya ay ku wajahan yihiin degmada Warshiikh.

Weerarkii ka dhacay degmada Warshiikh ayaa waxaa ku geeriyooday Inta la xaqiijiyay seddax qof, halka laba kalena uu dhaawac ka soo gaaray.

Weerarkaas waxaa fuliyey koox hubeysan, waxaana lagu dilay Hooyo umul aheyd, canugii ay dhashay oo 40-cesho aan gaarin iyo wiil kale oo ay dhashay oo 3-sano jir ahaa.

Sidoo kale kooxdaas ayaa dhaawacday Hooyo kale iyo wiil ay dhashay oo ku sugnaa guriga uu weerarkaasi ka dhacay oo ku yaalla meel duleedka ha degmada Warsheekh.