DFS oo sheegtay in la dilay sarkaal Shabaab ah iyo ilaaladiisa

20

Taliska Ciidamada Militariga ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyay gobolka Jubada dhexe ayay ku ku dileen sarkaalkii Al-shabaab u qaabilsanaa waxa ay ugu yeeraan jabhadaha oo ah koox inta badan ay u adeegsadaan weerarada ay ka fuliyaan dalkq.

Howlgalka ayaa ciidanka kumaandooska waxay ka fuliyeen degaanka Caraboow oo qiyaastii 50-km ujira degmada Bu’aale ee gobolka Jubada dhexe halkaasi oo mudooyinkii ugu dambeeyay au ku sugnaayeen sarkaalka iyo 6 dagaalame oo ka tirsan Al-shabaan, iyagoona dhamaantooda la toogtay, ay sheegeen saraakiil ka tirsan kumandooska Soomaaliya

Sarkaalka ciidanka kumaandooska xoogga dalka ay dileen ayaa waxaa lagu magacaabaa (Xasan Sufiyaan Qooreey) waxaana uu ahaa sarkaalka guud ee al-shabaab ama u qaabilsan Jabhadaha.

Ciidanka xoogga dalka ayaa kordhiyay howlgalada qorsheeysan ee ay ku beegsanayaan saraakiisha iyo dagaalamayaasha ka tirsan Al-shabaab