Jubbaland oo ku dhawaaqday in heegan la geliyay Ciidamadooda

10

Madaxweyne kuxigeenka labaad ee Dowlad goboleedka Jubbaland C/qaadir Xaaji Maxamuud ayaa sheegay in Maamulka Jubbaland uu heegan geliyay Ciidamadiisa sababo la xiriira sugida Amniga degaannada Jubbaland.

Xilli uu kormeer ku maray Maanta Madaxweyne kuxigeenka labaad ee Dowlad goboleedka Jubbaland C/qaadir Xaaji Maxamuud ayuu sheegay in laamaha Amniga ee Magaalada Kismaayo iyo saraakiisha Ciidamada uu ku amray inay muujiyaan feejignaan amni.

Sidoo kale waxaa uu faray laamaha Amniga Jubbaland inay dardar geliyaan holwha lagu sugayo Amniga, isla markaana ay joogteeyaan howlgallada Gaadiidka yaryar looga fiiqayo muraayadaha Madow ee loo yaqaano( benzalka).

Amarkaan kasoo baxay Madaxweyne kuxigeenka labaad ee Dowlad goboleedka Jubbaland C/qaadir Xaaji Maxamuud ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli dhawaan dilal qorsheysan iyo qaraxyo ay ka dhaceen Magaalada Kismaayo, kuwaas oo aan dad loo qaban.