12-musharax oo shaaciyey in aysan ka qeyb-geli doonin doorashada dalka + Sababta

10

Illaa 12-musharax oo u tartamaya xilka madaxweynaha Soomaaliya doorashada soo socota ee dalka ayaa soo saaray qoraal ay ku mideysanyihiin, kaas oo ay ku qaadeen ka qayb-galka doorashada, taas oo ay ku tilmaameen mid loo qaabeeyay boob iyo ku shubasho.

Musharixiintan ayaa qoraalka ay soo saareen waxay ku sheegeen in xubnaha guddiyada doorashada iyo xalinta khilaafaadka oo ay soo magacaabatay Villa Somalia.

Qoraalkan waxaa lagu sheegay in xubnaha guddiyadaas dhamaantood ay yihiin xubno laga soo xulay xafiisyada Madaxweyne Farmaajo iyo kan hey’adda Nabad sugidda Qaranka.

Sidoo kale qoraalkan waxaa lagu sheegay in guddiyadaas ay ku jiraan shakhsiyaad kale oo siyaabo kala duwan u taageera Madaxweyne Farmaajo, sidaas darteedna aan lagu kalsoonaan karin doorasho ay qabtaan guddiyadaas.

Musharaxiinta ku mideysan qoraalkan waxay sheegeen in magacaabidda guddiyadan aysan waafaqsaneyn heshiiskii siyaasadeed ee arrimaha doorashooyinka dalka ee Muqdisho lagu kala saxiixday bishii hore.

Musharrixiinta ayaa dalbanaya in dib u sixid lagu sameeyo hanaanka loo soo xulay dhammaan xubnaha guddiyada kala duwan ee arrimaha doorashooyinka.