Guddoomiye Filish oo sheegay in aysan waxba ka qaban karin dhibaatooyinka ka dhasha Roobka

30

Guddoomiyaha Maamulka gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed ( Filish) ayaa ka hadlay Roobkii dhawaan ka da’ay Magaalada Muqdisho, kaas oo saameyn ku yeeshay qoysaska danta yar, sidoo kalena burburiyay wadooyin muhiim ah.

Guddoomiye Cumar Filish ayaa sheegay in roob ka da’ay muqdisho dhowr bilood ka hor uu caqabado dhowr ah dhaliyay, hayeeshee dadaal farabadan oo ay sameeyeen ay ku guuleysteen inay maareeyaan waxyaabihii ka dhashay.

Sidoo kale waxaa uu sheegay guddoomiye Cumar Filish in horaantii Bishaan November uu roob xoogan ka da’ay Magaalada muqdisho, kaas oo saameyn badan ku reebay dadka & wadooyinka muhiim ah, balse maamulka gobolka Banaadir kaliya uusan waxba ka qaban karin dhibaatooyin ka ka dhashay.

“  Markii ay dhacaan dhibaatooyinka noocaan oo kale ah ee ka dhasha roobka oo musiibooyinka ah, in aan maamulka Gobolka iyo dowladaba lagu haleyn ee loo soo wada gurmado waayo maamulka Gobolka kaliya waxba kama qaban karaan,waxaayna u baahan yihiin maareyn dhameystiran oo bulshada oo dhan wax ka qabtaan.

Hadalka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli roobkii dhawaan ka da’ay magaalada Muqdisho uu burburiyay wadooyin muhiim ah oo ku yaalla Magaalada Muqdisho, waxaana dadka reer muqdisho laga qaadaa lacagta ugu badan ee Canshuurta ah oo ay hesho dowladda Soomaaliya.