Ilhaan Cumar oo cambaareysay dhulka reer Falastiin ee Yuhuuddu haysato

18

Ilhaan Cumar oo ah gabar Soomaali ah kana mid ah xildhibaanada aqalka Kongarayska Maraykanka ayaa qoraal ay soo dhigtay bogeeda Twiterka ayay aad ugu cambaaraysay tilaabooyinka burburinta ah ee Yahuudu ka wado dhulka ay xooga ku haystaan ee Falastiin.

Ilhaan Cumar waxay sheegay in Israeliyiintu ay ku xadgudbayaan xeerka caalamiga ah ayagoo si gardarro cad ah u burburinaya guryo ay leeyihiin dad rayid ah oo ku yaala Falastiin gaar ahaan daanta galbeed.

Madaxda dawlada Maraykanka ayay sheegtay in looga baahanyahay inay isha ku hayaan xad gudubka ka socda dhulka Falastiin oo ay joojiyaan taageerada ay Yahuuda siiyaan.

“Waxa socda waa xad gudub weyn oo dambi ah haddii Maraykanku ka qeyb qaatana xataa dawladeena ayaa qeyb ka ah dambiyada caalamiga ah ee la galayo.” Ayay ku tiri qoraalkeeda xildhibaan Ilhaam Cumar oo Kongarayska Maraykanka ka tirsan.

Ilhaan waxay qoraalkeeda ku sheegtay inay aad uga xumaatay tilaabadii ugu dambeysay ee ciidamada Yahuudu ku bur buriyeen dhismooyin dad rayid Falastiiniyiin ah ku lahaayeen degaanka Xamsa Al-Baqiya oo daanta galbeed ku yaala.

Dhacdadaas waxay hooy la’aan dhigtay 80 qoys.

Ilhan Cumar mar kale ayay ku guulaystay kursiga baarlamaanka Maraykanka dhawr mar ayayna sidaan oo kale uga hor timid siyaasadda xukunkii m/weynihii laga guulaystay ee Donald Trump.