Xiisad ka taagan deegan ka tirsan gobolka Mudug

12

Wararka naga soo gaaraya deegaan ka tirsan gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in maanta ay colaad ka taagan tahay.

Deegaankan ayaa waxaa lagu magacaabaa Hudyaale, waxa uuna ka mid yahay deegaannada hoostaga gobolka Mudug.

Xiisadda deegaanka ayaa laga soo bilaabo maalinimadii shalay ahayd waxaa ka taagnaa xiisad colaadeed, taas oo u dhaxeysa Laba maleeshiiyo beeleed.

Dagaalkii shalay ka dhacay deegaanka, ayaa waxaa ka dhashay khasaare dhimasho iyo isugu jiray mid dhaawaca ah, waxaana weli muuqata in ay is ku horfadhiyaan maleeshiyaadkii dagaalmay.

Waxa ay wararku intaa ku darayaan in xiisadda deegaanku ay weli tahay mid kacsan, iyadoo dadka deegaankuna ay ka cabsi qabaan in dagaalku sii xoogaysto.

Inta badan deegaannada dhaca gobolka Mudug ayaa waxaa ku soo noqnoqday colaado inta badan salka ku haya aanooyin qabiil iyo murannada ka dhasha dhulalka iyo ceelal biyoodka.