Guddoonka cusub ee Baarlamaanka Hirshabeelle oo xilkii la wareegay

10

Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle Luqmaan Xaaji Maxamed ayaa maanta si toos ah xilkii ula wareegay.

Munaasab ka dhacday magaalada Jowhar ee xarunta maamulkaasi ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabeelle, taas oo xilka loogu wareejinayay guddoomiye Luqmaan.

Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Hirshabeelle Cismaan Barre ayaa maanta xilka ku wareejiyay guddoomiyaha cusub, isagoo dhinaca kale ugu hambalyeeyay guddoomiye Luqmaan xilka uu qabtay.

Sidoo kale guddoomiye Luqmaan ayaa u mahadceliyay guddoomiyihii hore Cismaan Barre isagoo ku amaanay heerka uu soo gaarsiiyay mudadii uu maamulka hayay ee Baarlamaanka Hirshabeelle .