Dawlada Itoobiya oo ciidamadii ugu badnaa geysay gobolka Tigreega

35

Raysal wasaaraha dalka Itoobiya Abii Axmed ayaa mar kale amray in ciidamo dheeraad ah loo diro gobolka Tigreega ee waqooyiga dalkaas ku yaala si loo soo celiyo xasiloonida.

War ay baahaysay warbaahinta dawlada Itoobiya ayaa lagu sheegay in xalay r/wasaaruhu amray saraakiisha ciidamada in gobolka xasiloonida loo soo celiyo loona diro ciidamo dheeraad ah.

Raysal wasaari Abii waxaa uu ku eedeeyay falaagada TPLF inay qalqal galinayaan midnimada ummadda sida uu hadalka sidaa darteed loo baahanyahay in laga hor tago.

Warbaahinta afka dawlada ku hadasha ayaa sheegtay in ciidamo kale oo federalka ka socda gobolka la geeyay.

Xildhibaanada aqalka sare ee Itoobiya ayaa shalay isku raacay in lakala diro maamulka gobolka Tigreega maamul ku meel gaar ahna loo dhiso.

Xiisada gobolka ayaa aad u kacsan waxaana jira dhaq dhaqaaq ay wadaan maamulka Tigreega.