Joe Biden oo loo doortay Madaxweynaha Mareykanka

12

Televisionka CNN ayaa baahiyay in Madaxweynaha cusub ee dalka Mareykanka uu si rasmi ah u noqday Joe Biden kadib guul uu ka gaaray Pennsylvania.

Wuxuu kursiga madaxtinimo ee Mareykanka uu kula tartamay Donald Trump oo xilka kasii degaya, kaas oo ku guuldareystay inuu mar labaad soo laabto.

Joe Biden oo ah 77 jir, ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga dalka Mareykanka ee loo doortay madaxweynaha 46’aad ee dalkaasi ayaa heley 284 cod, wuxuuna bar dhaafay 270-kii loo baahnaa.