Qarax ka dhacay Magaalada Muqdisho

31

Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay degmooyin ka tirsan Gobolkan Banaadir ayaa goordhow ka dhacay meel ku dhow isgoyska Sayidka ee Muqdisho.

Warar kala duwan ayaa waxaa ay kasoo baxayaan qaraxa, waxaana wararka sheegayaan in uu ka dhacay Garaash Gaadiidka lagu sameeyo oo lagu Magacaabo Daacad Car Care ll u dhow Isgoyska Sayidka.

Waxaa jira khasaaro ka dhashay qaraxa, waxaana goobta gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya, kuwaas oo baaraya nooca qaraxa iyo sida uu u dhacay.