Cabdi Xaashi: M/weynaha iyo R/wasaarihiisu waxay bedeleen dhaqankii lagu wada-joogay

35

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska guddoomiyaha golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa looga soo  horjeestay guddiga doorashada kuraasta baarlamaanka ee gobollada waqooyi oo uu magacaabay Ra’iisul Wasaare Rooble.

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa qoraalkiisa ku sheegay in magacaabidda guddigaas aan lagala tashan siyaasiyiinta iyo waxgaradka ka soo jeeda gobollada waqooyi ee Somaliland.

Warqadan ayaa baaq loogu diray dhamaan xubnaha golaha wadatashiga qaran ee doorashooyinka 2020/2021-ka, xubnaha beesha caalamka u qaabilsan la socoshada doorashada Soomaaliya iyo daneeyayaasha siyaasadda, in arrintan ay soo fara-geliyaan, isla markaana metelayaasha gobollada waqooyi dib loogu soo celiyo talada iyo xulashada guddiyada metelaya Somaliland.

“Madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha hada jooga waxay bedeleen dhaqankii siyaasadeed ee lagu wada-joogay, waxna lagu qeybsan jiray, isla markaana xilligan oo kale lagu soo xuli jiray guddiyada maamulaya doorashada kuwo u dhaxeeya daneeyayaasha siyaasadda oo dhinac gaar ah uusan soo xulan” ayaa lagu yiri qoraalka guddoomiyaha.

Qoraalka guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa lagu sheegay in aan lagu kalsoonaan karin xubnaha guddiga lagu dhowaaqay, isaga oo xusay in badi aysan garaneyn meel laga keenay, halka qaarna lagu sheegay qoraalkan inay ka tirsan yihiin shaqaalaha madaxtooyada, xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo ciidanka NISA.

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa qoraal uu goor sii horeysay soo dhigay bartiisa Facebook-ga waxa uu ku yiri, “Guddiga heer Federaal uu badankiisa yahay taageerayaashii baraha bulshada ee Madaxweyne Farmaajo, waxaana soo xulay agaasime ku xigeenka Xafiiska madaxweynaha.”

“Inta badan xubnaha labada guddi doorasho ee laga soo magacaabay Hirshabele iyo Galmudug waa xubno ka tirsan hay’adda Nabadsugidda Qaranka, waxaana badankood laga soo magacaabay xafiiska taliyaha nabadsugidda.” ayuu qoraalkiisa ku yiri CC Shakuur.