CC Shakuur oo laba arrin ku sifeeyey guddiyada cusub ee doorashada dalka

20

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa shaaciyey laba arrimood oo ku geedaaman guddiyada doorashada heer federaal iyo heer dowlad goboleed ee dhawaan la magacaabay.

Cabdiraxmaan ayaa sheegay in guddiyadii laga soo magacaabay deegaanada Galmudug iyo HirShabeelle ay ka tirsanyihiin hey’adda Nabad sugidda.

Waxa uu sheegay in xubnahaas laga soo magacaabay xafiiska Taliyaha Nabad Sugidda Fahad Yaasiin.

“Inta badan xubnaha labada guddi doorasho ee laga soo magacaabay Hirshabele iyo Galmudug waa xubno ka tirsan hay’adda Nabadsugidda Qaranka, waxaana badankood laga soo magacaabay xafiiska taliyaha nabadsugidda” ayuu Cabdiraxmaan ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga.

Sidoo kale Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in guddiga doorashada ee heer federaal ay yihiin taageerayaashii baraha Bulshada ee madaxweyne Farmaajo.

“Guddiga heer Federaal uu badankiisa yahay taageerayaashii baraha bulshada ee Madaxweyne Farmaajo, waxaana soo xulay agaasime ku xigeenka Xafiiska madaxweynaha” ayuu yiri.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa intaas ku daray, “Suuragal maaha in masiirka Dalka iyo doorashada deegaanka aan dadkiisa metelno ay ka arrimiyaan labo wiil oo ilma adeero ah.”