Baarlamaanka HirShabeelle oo maanta ansixiyey guddi cusub oo doorasho

18

Baarlamaanka cusub ee maamulka Hir-Shabeelle ayaa kulan ay meenta ku yeesheen magaalada Jowhar, waxay ku ansixiyeen xubnaha guddiga doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka maamulkaas.

Gudoomiyaha dhawaan la doortay ee baarlamaanka Hir-Shabelle Cabdixakiin Luqmaan Xaaji ayaa shir guddoominayey kulanka maanta, waxuuna ahaa kalfadhiga koowaad kulankiisa afaraad.

Ajendaha kulanka maanta ayaa ku koobnaa ansixinta xubnaha guddiga doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Hir-Shabeelle, taas oo lagu wado inay dhawaan ka dhacdo magalada Jowhar.

Guddiga maanta la ansixiyey ayaa lagu wadaa in dhawaan ay soo saaray jadwal doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Hir-Shabeelle.