Uganda oo ciidamo badan kala baxday Soomaaliya

27

Saraakiil ka tirsan dowladda Uganda ayaa sheegtay in ciidamo gaaraya 2100-Askari, oo ka tirsanaa Midowga Afrika ee AMISOM, kuwaas oo Khamiistii tagay Xarun la dejiyo Ciidamada soo guta waajibaadka nabad ilaalinta sida ay sheegtay dowladda dalkaasi.

Ciidamadan ayaa dhamaantooda dib loogu soo dhaweeyay dalka Uganda, waxaana tiradooda lagu sheegay 2,100, waxaana xalay lagu soo dhaweeyay Xarunta Tababarka Howlgallada Taageerada Nabadda (PSO-TC) ee degmada Nakaseke.

Wilson Mbasu Mbadi oo ah Ku-xigeenka Taliyaha Ciidamada Difaaca ayaa soo dhaweeyay ciidamada laga qaaday soomaaliya, kaas oo ku hadlayay magaca abaanduulaha ciidamada difaaca.

“Si sharaf leh ugu soo dhawaada dalkiina adinkoo nagu matalay qadiyadda Pan Africa ee Soomaaliya” ayuu yiri ku xigeenka Taliyaha ciidamada Difaaca.

Si kasta ha ahaatee Uganda ayaa waxey ciidamadeeda usoo dirtay Soomaaliya sanadkii 2007, waxeyna kusoo aadeysaa arintaan xilli la qorsheynayo in ciidamada Midowga Afrika ee hawlgalka nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya la saaro sanadka 2021.