Dagaal u dhaxeeya Al-Shabaab iyo ciidamada xoogga oo ka socda Galgaduud

13

Wararka ka imaanaya tuulooyin hoostaga deegaanka Bulacle  ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in dagaal xooggan oo u dhexeeya Al-shabaab iyo Ciidanka Dowladda uu halkaasi ka qaraxay, waxaana wararku ay sheegayaan in uu jiro khaasare ka dhashay dagaalkaas.

Goobjoogayaal ayaa KNN u sheegay in dagaalku uu wali socdo, ayna maqlayaan Jugta hubka la isku adeegsanayo iyo Rasaas laga maqlayo halka uu dagaalku ka socdo.

Weli ilaa iyo hada lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka.

Ciidamada dowladda ayaa shalay la wareegay gacanta ku heynta deegaano ay ku sugnaayeen Al-shabaab oo ka tirsan gobolka Galgaduud.