Guddoonka Baarlamaanka Hir-Shabeelle oo kulan la qaatay Cali Guudlaawe

13

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Hir-Shabeelle Dr Cabdixakiin luqmaan Xaaji Maxamed oo ay wehliyaan labadiisa  kuxigeen ee Siraaji Shekh Isaaq Cabdulle iyo Mahad Hassan Cusmaan ayaa kulan la qaatey Madaxweyne ku xigeenka Hir-Shabelle Cali Guudlaawe.

Kulanka ayaa  waxaa looga hadlay Dardargalnta iyo Dhameystirka howlaha Horyaalla Golaha iyo Guud ahaan Maamulka  Arrimaha doorashooyinka  Hir-Shabeelle .

Madaxweyne kuxigeenka Hir-Shabelle oo la sheegay in uu kamid yahay musharixiinta Madaxweynaha Hir-Shabeelle ayaa uga mahad celiyay dadaalkooda ku aadan doorashooyinka Hir-Shabeelle.

Guddoonka Baarlamaanka Maamulka Hir-Shabeelle ayaa shalay Magacaabay Guddiga Guddoonka Baarlamaanka  Maamulkaas, kuwaas oo la filayo inay dhawaan shaaciyaan jadwalka doorashada Madaxweynaha & Madaxweyne kuxigeenka Hir-Shabeelle.