Gaas oo ka digay khalalaaso ka dhasha doorashada.

17

Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas  oo wareysi gaar ah siiyay idaacadda Kulmiye ayaa waxaa uu ka hadlay doorashada Somalia la filayo in sanadkan 2020- 2021-ka ka dhacdo magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Gaas ayaa ka digay in khalalaaso siyaasadeed iyo mid amni daro ay ka dhacaan inta ka harsan doorashada Somalia.

Madaxda dowladda Federaalka, kuwa dowlad goboleedyada iyo musharixiinta ayaa waxaa uu ugu baaqay in ay u turaan shacabka soomaaliyeed, islamarkaana ay ka shaqeeyaan horumarka dowladnimada.

Dhawaan la filayaa in la gudaha galo Soo xulista, diyaarinta ergooyinka iyo goobaha codbixintana, iyadoona intaasi oo dhan  lagu diyaariyo bishan  Nofeembar ee sanadkan.

Doorashada Aqalka Sare ayaa dhici doonta 1-da illaa 10-ka Diseembar, halka xildhibannada Golaha Shacabka ay dhici doonto 10-ka illaa 27-ka Diseembar ee sanadkan.

Doorashada guddoonka labada aqal iyo Madaxweynaha dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa dhici doonta 1-da Janaayo illaa 8-da Febraayo 2021.