Dowladda Turkiga oo Soomaaliya ka bixisay $2.72 Malyan oo doollar

9

Dowladda Turkiga ayaa Soomaaliya ka bixisay $2.72 Malyan oo doollar oo dayn ah taasi oo ay Soomaalida ku lahayd Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF.

War kasoo baxay dowladda Turkiga ayaa lagu sheegay in wadahal dheer ka dib ay go’aansatay in lacagtaasi ay bixiso si loo fududeeyo qorshaha deyn cafinta ee ka socda Soomaaliya.

Tilaabadan ayaa timid ka dib markii Madaxweynha Turkiga uu ku amray madaxda maaliyada ee dalkiisa in lacagtaas loo shubo Hay’adda lacagta Aduunka, ayna tahay mid ay Turkigu si deeq ahaana uga bixisay Soomaaliya oo aan deyn ahaan loogu laheyn.

Danjiraha dawladda Turkiga u jooga Soomaaliya ayaa shalay sheegay in ay xooga saarayaan sidii ay u xoojin lahaayeen dhammaan Iskaashiga xagga Amniga iyo dibu dhiska xoogaga Amniga ee Soomaaliya, si horey loogu dhaqaajiyo dalkan.