Faah-faahin laga helayo dagaal ka dhacay Galguduud

24

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal dhexmaray ciidamo ka tirsan xoogga dalka iyo Al-shabaab oo ka dhacay deegaanka Bulacle oo hoos taga magaalada Dhuusamareeb ee xaruunta gobolka Galguduud.

Ciidamada dowladda ayaa weerar ku qaaday tuulooyin ka tirsan deegaanka Bulacle oo ku sugnaayeen dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab.

Warbaahinta ku hadasha Afka ciidamada ayaa qortay in howlgal qorsheeysan ciidamada Xoogga ka fuliyeen degaanka Cada-xaar oo Bulacle ka xiga Qoraxsin dhinaca bari magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka galguduud.

Saraakiisha Howlgalka hoggaaminaysay ayaa sheegay In ay dileen 14 dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab, hubna ay gacanta ku dhigeen, balse ma sheegin Khasaarahan dhankooda soo gaaray.

Goobihii lagu dagaalamay ayaa hadda degan iyadoo ay la wareegeen ciidamada Xoogga iyadoo Al-shabaab ay isaga baxeen.

Ciidamada dowladda ayaa shalay la wareegay gacanta ku heynta deegaano ay ku sugnaayeen Al-shabaab oo ka tirsan gobolka Galgaduud..