Maxay ka wada hadleen Guddoomiyaha Baarlamanka Hirshabeelle iyo Cali Guudlaawe?

55

Gudoomiyaha Baarlamaanka Labaad ee dowladd goboleedka  Hirshabelle  Dr.Cabdi Xakiim Luqmaan Xaaji Muxumad oo ay wehliyaan  Labadiisa ku xigeen Siraaji Sheekh Isxaaq iyo Mahad Cusmaan ayaa la qaatay Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Goboleedka Hirshabelle Cali Guudlaawe.

Kulanka oo saacado socday ayaa waxaa looga hadlay dardargalinta hannaanka doorashada Hirshabeelle oo gabo gabo ku dhaw.

Doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle ayaa lagu wadaa in la qabto maalmaha soo socdo iyadoo guddoomiyaha Baarlamanka magacaabay guddiga Doorashadda.