Gobolka Georgia cododka doorashada oo dib loo tirin doono

20

Xoghayaha Arimaha Dibadda ee gobolka Georgia ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in dib loo tiri doono cododka doorashada ee Gobolkaasi iyadoo ay sii socoto tirinta cododka.

Trump iyo Biden ayaa isku haya gobolka iyadoo la tiriyay  5 million oo cod isla markaasna uu wali horreeyo musharaxa dimuqadaariga ee Joe Biden.

Weli waxaa socota tirinta codadka doorashada Madaxweyne ee dalkan Mareykanka looga dareeray Talaadadii la soo dhaafay.

Dhowr gobol oo tirinta codadka doorashadu ay weli ka socoto ayey ku xirantahay natiijada cidda Madaxweynaha Mareykanka noqoneysa afarta sano ee soo socda.

Natiijada doorashada Mareykanka ayaan la oggeyn xiliga rasmiga ee lagu dhawaaqi doono.