Dagaal ka dhacay Janaale.

21

Wararka ka imaanaya deegaanka Janaale ee gobolka shabellada Hoose ayaa sheeagaya in dagaal u dhexeeya ciidamada xoogga iyo kuwa Al-Shabaab uu ka dhacay deegaankaasi.

Dagaalka ayaa ka dambeeyay kadib markii dagaalameyaal ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ay ku sugnaayeen ciidamada xoogga.

Goobjoogayaal ayaa KNN u sheegay in dagaalka la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoona dhawaqa rasaasta laga maqlay tuulooyinka ka agdhow deegaanka Janaale ee gobolka shabeellada Hoose.

Saraakiil ka tirsan Milatariga Somalia ayaa sheegay in dagaalka ay ku dileen xubno ka tirsan Al-Shabaab, ma sheegin tiradooda.