Ciidamad Kenya oo duqeymo ka fuliyay gobolka Gedo.

24

Wararka ka imaanaya gobolka gedo ayaa sheegaya in ciidamada Kenya ay markale duqeymo ka fuliyeen deegaano hoostaga degmada Ceelwaaq ee gobolkaasi.

Weerarka ayaa waxaa uu si gaar ah  kaga  dhacay deegaanka Dhamase oo hoostaga degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, sida uu soo sheegayo Weriyaha KNN ee Cabdi Majiid Cabaas Aadan.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in duqeymaha ay geysteen  ciidamada Kenya ay ku baabi’iyeen Xoolo aad u fara badan oo ay lahaayeen dadka deegaanka.

Dadka Deegaanka ayaa sheegay in ay soo wajahday cabsi xoogan.

Ilaa iyo  hadal ma jiraan weli wax war ah oo  ka soo baxay  maamulka degmada Ceelwaaq iyo kan gobolka Gedo oo ku aadan duqeynta ay geysteen ciidamada Kenya.