Shiikh Shariif oo ka hadlay tabashooyin ka jira dhismaha HirShabelle

36

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo maanta gaaray magaalada Jowhar ayaa waxaa uu ka war bixiyay u jeedka safarka uu Maanta ku tegay magaaladaasi

Madaxweyne Shariif ayaa waxaa uu sheegay inay wadaan howlo dib u heshiisiin iyo nabadeyn ah iyo in la xaliyo dadka tabashada ka qaba dhismaha Hir-Shabelle, xiligaasi halkaasi ay doorasho ka socota.

“Wax walba waxey ku wanaagsan yahiin in la xaliyo marka ay tagaan yahiin, sidaas darteed hadii aan maanta la xalin waxa ka jira Hir-Shabelle wax kale ayaa imaan kara,” ayuu yiri Shiikh Shariif.

Wafdiga madaxweynihii hore ee soomaaliya ayaa waxaa ku jira taliyihii hore nabad-sugidda Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo ka mid ah masuuliyiinta madasha xisbiyada qaran.