Baarlamaanka HirShabeelle oo doortay guddoomiye cusub iyo ku xigeenkiisa

11

Waxaa goordhow soo idlaatay doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka 2aad ee dowlad gobolleedka Hirshabeelle iyadoo Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Maxamed loo doortay in uu noqdo guddoomiyaha Baarlamaanka.

Guddoomiyaha cusub ayaa helay 77 cod halka musharixiin la tartamayay Maxamed Maxamuud Goodir uu helay 21 cod guud ahaan marka la eego xildhibaannadii codadka dhiibatay oo ahaa  99 mudane iyadoo hal codna la sheegay in uu xumaaday.

Cabdixakiin Luqmaan Xaaji ayaa ka tirsanaa Safaaradda Soomaaliya ee Sudan

Dhinaca kale waxaa noqday guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka Hirshabelle Siraaji Sheekh Isxaaq kadib markii uu tanaasulay musharaxii la tartamayay xildhibaan Saadaq Salaad Warsame, waxaa uuna helay 99 cod