Maxkamad maanta xukun adag ku riday rag kufsi iyo dil u geystay gabar yar

25

Maxakamdda Darajada koowaad gobolka Bari ee Puntland ayaa maanta dil toogasho ah ku xukuntay labo nin oo ku eedaysan ay dhawaan dilka iyo kufsi magaalada Boosaaso ugu geysteen gabar 14-sano jir aheyd.

24-kii bishii hore ayaa meydka gabadhaas oo lagu magacaabi jiray Naciimo Cabdi Maxamed laga helay bariga magaalada Bosaaso ee xarunta gobolka Bari, wixii intaas ka dambeeyana waxaa bilaawday howlagllo ka dhan ah ragii geystay falkaas.

Labadan ayaa la sheegay in maanta ay maxkamaddu ku heshay dilka iyo kufsiga gabadhaas, kadib baaritaano lagu sameeyay, waxayna ku xukuntay dil toogasho ah.

Laamaha ammaanka magaalada Boosaaso ee Puntland ayaa xalay warbaahinta u soo bandhigay labadaas nin oo ka sheekeynaya qaabkii ay u khaarajiyeen gabadha yar.