Rag qirtay inay si bareer ah u dileen gabar yar oo lagu soo bandhigay Boosaaso

21

Ciidamada ammaanka magaalada Boosaaso ee gobalka Bari ayaa saacadihii u dambeeyey gacanta ku dhigay laba nin oo lagu eedeynayo in ay si arxan-darro ah dil ugu geysteen Naciimo Cabdi Maxamed oo aheyd gabar yar oo 14-sano jir ah.

Meydka Gabadha yar ayaa maalmo ka hor laga helay xaafad kamid ah magaalada Boosaaso, waxaana wixii markaas ka dambeeyey bilaawday baaritaano ku aadan sidii loo soo qaban lahaa dadkii ka dambeeyey falka lagu dilay gabadhaas.

Laba nin oo qiratay inay ka dambeeyeen dilka marxuum Naciimo Cabdi ayaa xalay lagu soo bandhigay magaalada Boosaaso, waxaana qiraalkooda loo soo bandhigay warbaahinta, sidoo kale saraakiisha ammaanka ayaa dhacdadaas uga waramay warbaahinta.

Eedeysanayaashan ayaa la horgeynayaa Maxkamad, si cadaaladda loo waafajiyo, sida ay warbaahinta u sheegeen saraakiisha booliska gobolka Bari ee Puntland