Ilhaan Cumar iyo Soomaali kale oo guulo kasoo hooyey doorashadii ka dhacday Minnesota

53

Ilhan Cumar ayaa mar kale ku guuleysatay xubinnimada Aqalka Wakiillada Mareykanka, kaddib markii ay la tartantay musharrax ka socday xisbiga Jamhuuriga.

Waxaa sidoo kale doorashadii Talaadadii shalay dhacday guulo kasoo hooyay, musharraxiin kale oo Soomaali ah.

Musharaxiintaas ayaa u tartamayay kuraasta golaha deegaanka ee gobolka Minnesota.

Xili ay wali socoto tirinka doorashooyinka Madaxweyne-nimada ee dalka Mareykanka codadka la dhiibtay, haddana xagga Soomaalida xubnihii tartamayay oo dhan ayaa helay codadkii ugu badnaa, taas oo hoosta ka xariiqday guushooda siyaasadeed waqtigan.

Ilhaan Cumar waxay xejisay kursigeeda Koongareeska Mareykanka, oo ay tartan adag u soo gashay mudooyinkii u dambeeyey, waxayna noqonaysaa markii 2aad oo ay noqoto Senator ka tirsan Aqalka Odayaasha ee Mareykanka.

Cumar Faatax na waxa uu noqday Soomaaligii u horreeyey ee kamid noqda Aqalka-sare ee gobolka Minnesota, waana taariikh qorantay markii uu si adag u jabiyey musharaxiin badan oo kasoo horjeeday.

Hodon Xasan ayaa iyana ku guuleysatay Aqalka-hoose ee gobolka Minnesota, inkastoo ay martay tartan adag haddana natiijadeeda ayaa saadalin fiican laga bixinayey.

Sidoo kale Maxamed Nuur ayaa isna sidoo kale ku guuleystay Aqalka-hoose ee gobolka Minnesota.