Maxkamadda Hargeysa oo xukun ku riday C/Manaan Yuusuf go’aan culusna ka soo saartay TV-ga Astaan

9

Wararka aan ka heleyno magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland waxay sheegayaan in maxkamadda gobolka Maroodi-jeex ay xukun xabsi iyo lacag isugu jira ku riday Ganacsade Cabdimanaan Yuusuf.

Cabdimanaan Yuusuf oo ah milkiilaha TV-ga Astaan ayaa bilihii lasoo dhaafay u xirnaa xukuumadda Somaliland, waxaana marar badan lasoo taagay maxkamad, balse maanta ayaa lagu dhawaaqay xukunkiisa.

Maxkamadda gobolka Maroodijeex ee Hargeysa ayaa 5-sano oo xabsi ah ku xukuntay Cabdimanaan, sidoo kale laba Bilyan oo shilinka Somaliland ah ayey ku xukuntay inuu ganaax ahaan u bixiyo.

Sidoo kale maxkamadda ayaa xukuntay in gabi ahaanba albaabada la isugu dhifto TV-ga Astaan qeybtiisa ka howlgasha Somaliland, kaas oo sida la sheegay milkiilaha ugu sareeya uu yahay Cabdimanaan Yuusuf oo xukunkaasi uu ku dhacay maanta.