Xildhibaano ka soo jeeda Somaliland oo si adag uga hor-yimid dalabkii guddoomiye Cabdi Xaashi

18

Xildhibaanada labada Aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya kuwooda ka soo jeeda gobollada woqooyi ee Somaliland ayaa si adag uga hor-yimid dalabkii guddoomiyaha Aqalka Sare ee ahaa in xubnaha Somaliland ku metelaya guddiyada doorashada iyo xalinta khilaafaadka ee heer federaal ay iyagu soo magacaaba doonaan.

Xildhibaanadaas oo galabta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in xukuumadda federaalka ay u wakiisheen inay soo magacaawdo xubnaha Somaliland ku meteli doona guddiyadaas.

Sidoo kale guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi ayey ku eedeeyeen inuu dayacay masuuliyadaas, isla markaana uu xaq u lahaa inuu talo ku yeesho heshiisyadii doorashada ee lagu gaaray Dhusamareeb iyo Muqdisho, isagoo metelaya Somaliland.

War-saxaafadeed ay ka soo saareen shirkaas waxay ku sheegeen in maadaama guddoomiye Cabdi Xaashi uu dayacay mas’uuliyadaas, uu madaxweyne Farmaajo ku metelayey heshiisyadii laga gaaray doorashada dalka.

“Majiro heshiis ay gaareen siyaasiyiinta gobollada Waqooyi ugu jira dowladda federaalka, mana jirto cid uu guddoomiye Cabdi Xaashi kala tashaday ama ku metelo warqadii uu dhawaan soo saaray” ayaa lagu yiri war-murtiyeedka xubnahaas ka soo jeeda Somaliland ay soo saareen.