Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga galabta ka guddoomay danjireyaasha cusub ee dalalka Denmark, Ireland, Poland ee Soomaaliya.
“Danjiraha Denmark Ole Thonke oo Madaxweynaha la wadaagay farriin iyo salaan uu uga siday Boqoradda dalkiisa Marwo Margrethe Alexandrine ayaa tilmaamay dadaalka uu ku bixin doono sare u qaadidda xiriirka labada dal, isaga oo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyey soo dhaweynta diirran” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Villa Somalia.
Sidoo kale, Danjiraha cusub ee Ireland Marwo Fionnuala Quinlan oo warqadaheeda aqoonsi u gudbisay Madaxweynaha ayaa muujisay sida ay ugu hanweyn tahay ka mid noqoshada bahda diblumaasiyiinta ka howlgala Soomaaliya, sida lagu sheegay qoraalka.
Qoraalka ka soo baxay madaxtooyada ayaa intaas ku daray, “Danjiraha Jamhuuriyadda Poland Mudane Jacek Bazanski ayaa Madaxweynaha u gudbiyey dhambaal iyo salaan uu uga siday dhiggiisa dalkaas Mudane Andrzej Duda, isaga oo nuqul ka mid ah waraaqihiisa aqoonsiga Danjirenimo guddoonsiiyey Madaxweynaha.”
Madaxweyne Farmaajo ayaa danjireyaasha uu warqadaha aqoonsiga ka guddoomay uga warbixiyey sida dowladda federaalka Soomaaliya ay “uga go’an tahay xoojinta xiriirka ku dhisan iskaashiga iyo wax-wada-qabsiga ee kala dhaxeeya dalalka caalamka.”
Madaxweyne Farmaajo ayaa Danjireyaasha cusub ugu hambalyeeyay xilalka loo magacaabay, waxa uuna u sheegay in ay soo dhaweyn wanaagsan kala kulmayaan shacabka Soomaaliyeed, Dowladda Federaalkuna ay ku garab istaagayso gudashada waajibaadka diblumaasiyadeed ee loo igmaday.