: Maxaa looga hadlayaa shirka Banbaxa golaha wasiirrada Soomaaliya?

27

Golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya ayaa haatan kulan ku leh hoteel ku dhex-yaalla garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, kaas oo uu shir guddoominayo ra’iisul wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble.

Shirkan waxaa loogu magac-daray Banbaxa golaha wasiirrada waxaana la sheegay in looga hadlay qorshaha xukuumadda cusub iyo arrimaha doorashooyinka dalka, oo si gaar ah ay xukuumadan ugu xil saarantahay fulintooda.

Markii laga soo tago in diirada shirkan ay tahay arrimaha doorashooyinka, waxaa kaloo looga hadlayaa arrimaha amniga, kobcinta shaqaalaha, daynta cafinta, horumarinta bulshada, caddaaladda iyo qorshaha waxqabadka xukuumadda ee 100- a maalmood, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xukuumadda.

Guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal ayaa ka soo muuqday goobta ay maanta ku shirsanyihiin golaha wasiirrada Soomaaliya.