–Miski Saciid Cabdi oo ka mid ah gabdhaha Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa xaflad dhalasho ah u dhigtay jilaaga filimaanta Hindiga ah ee Shaarukhan.
Miski ayaa xafladaas dhigtay xalay, waxaana loogu dabaal degay dhalashada Shaarukhan oo 55-sano jirsaday.
Miski Saciid oo la hadashay Idaacadda Kulmiye ayaa sheegay in ilaa yaraanteedii ay taageero weyn u aheyd jilaaga reer Hindiya ee Shaarukhan, waxayna sheegtay inay aad uga hesho filimaanta uu wax ka jilo.