Madaxweynaha Soomaaliya Hassan Sheikh Mohamud oo booqasho shaqo ku jooga Itoobiya ayaa maanta kulan la yeeshay raysal wasaare Abiy Ahmed, iyadoo labada hoggaamiye ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo iskaashiga u dhexeeya labada dal.
Labada hoggaamiye ayaa sidoo kale ka wada hadlay arrimaha amniga, dhaqaalaha iyo horumarka, iyagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay iskaashi dhow oo lagu wajahayo caqabadaha iyo fursadaha ay wadaagaan labada dal.
Kulanka waxaa kale oo lagu falanqeeyay sidii Soomaaliya iyo Itoobiya ay uga wada shaqeyn lahaayeen xasilloonida iyo arrimaha istiraatiijiga ah ee gobolka Geeska Afrika, xilli gobolka uu wajahayo caqabado dhinaca amniga iyo siyaasadda ah.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intii uu kulanka socday ugu hambalyeeyay Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed guusha uu xisbigiisu ka gaaray doorashooyinkii ka dhacay Itoobiya, isaga oo u rajeeyay sii socoshada dadaallada lagu xoojinayo horumarka iyo xasilloonida dalkaas.











