Farmaajo oo balan-qaaday in dowladiisu ay joojineyso xarigga weriyeyaasha

55

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa saxaafadda Soomaaliya u balan-qaaday in dowladda uu hoggaamiyo ay dhowri doonto hadda kadib xorriyadda saxaafadda.

Farmaajo balan-qaadkaan waxa uu ka shaaciyey kulan uu la qaatay xubno ka socday suxufiyiinta aan xuduudda lahayn ee caalamka, kuwaas oo magacooda loo soo gaabiyo (RSF).

Xoghayaha guud ee ururkan Christophe Deloire oo markiisii ugu horeysay soo gaaray Soomaaliya ayaa kulanka ay Madaxweyne Farmaajo la yeesheen kadib waxa uu sheegay in madaxweynuhu u balan-qaaday in dowladda uu hoggaamiyo aysan weriye dambe u xiri doonin arrimo la xariira shaqadiisa.

“Waxaan ka codsaneynaa madaxweynaha iyo dhammaan dowladda cusub ee imaan doonta inay sii wadaan dadaallada lagu hormarinayo suxufiyiinta laguna dhiiri-gelinayo soo bixitaanka saxaafad xor ah, madax-bannaan, tayo sarena leh” ayuu yiri.

Christophe waxa uu intaas ku daray in kulanka uu balan-qaadkaas ugu sameeyey madaxweyne Farmaajo uu goobjoog ka ahaa wasiirka cusub ee warfaafinta Cismaan Dubbe. kaas oo sida uu sheegay balan-qaadka madaxweynaha ku tilmaamay mid wax badan ka bedelaya xariga iyo caga jugleynta joogtada ah weriyaasha Soomaaliyeed ay kala kulmi jireen dowladda Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo oo dalka soo hogaaminayey mudo ka badan seddax sano iyo bar ayaa dhawaan Muqdisho madal dad badani ku sugnaayeen ka sheegay in weriyaasha Soomaaliyeed qaarkood ay macquul tahay inay xiriir la leyihiin Al-Shabaab, kadib markii wax laga weydiiyey sababta ay dowladiisu caburinta joogtada ah ugu heyso.

Markii loo eegay carunta ay saxaafadda Soomaaliya dareentay intii uu talada hayey madaxweyne Farmaajo, hadalkiisii waxa uu daaha ka rogay in xukuumadiisu ay aad u dhibsaneyso xoriyadda hadalka iyo tebinta madax-banaan ee warbaahinta Soomaalida, sida ay qabaan ururrada ay ku bahoobeen warbaahinta madax-banaan ee Soomaaliyeed.

Balanqaadka madaxweyne Farmaajo ee ah inay joojinayaan xarigga saxafiyiinta ayaa imaanaya iyadoo bilihii u dambeeyey dowladiisu ay xabsiga dhigtay weriyaal uu u dambeeyey Cabdullahi Kulmiye Cadow oo ka tirsan bahda Radio Kulmiye.

Cabdullahi Kulmiye ayaa mudo ku dhaw shan maalmood si sharci darro ah ugu xirnaa hey’adda Nabad Sugidda iyo sirdoonka Qaranka Soomaliya ee NISA.